SHAQADEENA

Waxaan bixinaa adeegyo sharci oo dhameystiran

Waxbarasho

Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxakago’an in ardayda cusub ee sharciga kaqalin-jebisay la siiyo tababarradii ay u baahnaayeen si ay u noqdaan qareenno waxtarleh.

Ololayn

Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxakago’an in uu sitoos ah ugu ololeeyo ixtiraamidda, hirgelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha; helitaanka caddaaladda iyo in la suurtageliyo garsoor madaxbannaan oo caddaalad ku dhisan.

Dhaqangelin

Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu u taaganyahay in uu u ololeeyo uu na qareemo dhaqangelinta xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga

IskuXirka

Istaraatijiyadda iskuxir ee Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxay kusalaysantahay in la adkeeyo xiriirka u dhexeeya dhinacyada ku lug leh caddaaladda, hannaanka maamul iyo bulshada rayidka ah.

Kobcinta Awoodda iyo Kartida

Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu u heellanyahay in la dhiso kartida iyo awoodda mihnadlayaasha sharciga ee dalka iyo in la xoojiyo xirfadaha qofkasta oo ku lug leh mihnadda sharciga sida qareenada, garsoorka iyo hay’adaha fulinta sharciga si loogu suurtageliyo in ay dhaqangeliyaan, dhawraan, ilaaliyaan islamarkaana difaacaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha asaasiga ah ee muwaaddiniinta.