NAGU SAABSAN
GUUDMAR
Maandheedka Ururka Qareenada Soomaaliyeed waa sare u qaadidda sumcadda qareenada Soomaaliyeed iyo tayaynta wax qabadkooda la xiriira bixinta adeegyada sharciga. Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxakago’an yagleelidda garsoor madaxbannaan oo dhawra xuquuqda aadanaha. Sare u qaadidda xuquuqda aadanuhu waa mid kamid ah ujeeddooyinka udub-dhexaadka u ah Ururka Qareenada Soomaaliyeed.
Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu hadda iskaashi la leeyahayhay’adahamaxalliga ah (NGOs) iyo dowladdasi loo meel mariyo istaraatijiyadaha iyo masuuliyadaha ku aaddan xilka bulshada kasaaran xaqiijinta xuquuqda aadanaha iyoxorriyadaha asaasiga ah ee Soomaaliya.
Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu abuuray nidaam lagu la soconayo xuquuqda aadanaha si meesha loogasaaro dhammaan noocyada kala duwan ee xadgudubka kuwaasoo kooxaha lagatiradabadanyahay ka horistaagikara inay kaqaybqaataan geeddi-socodka horumarka. Waxa intaasidheer, Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu kaalmo sharci (legal aid) oo lacagla’aan ah u fidiyaa dhibbanayaasha xadgudubayada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Sababtaas awgeed ayay ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Ururka uga mid tahay in la abuuro istaraatiyado macquul ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha iyo waxbarashada sharciga ku waasi oo dadka ku kaalmaynaya in ay iska difaacaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqdooda. Sidaasisilamid ah, Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu si aanaan kalajoogsilahayn uga hawlgalaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka sharciga dalka iyaga oo tababarro siiya qareennada cusub iyo dadka u ololeeya sharci dejinta si loogu diyaariyo inay hindisaan shuruuc faa’ido uleh qofkasta oo Soomaaliyeed.
HAWLGALKA URURKA
Hawlgalka Ururka Qareenada Soomaaliyeed waa in la hagaajiyo beegaallada iyoheerka (standadrds) mihnadda sharci ee Soomaaliya iyadaoo loo marayo helitaanka caddaaladda iyo sare u qaadidda sinnaanta lagu caddeeyay Bayaanka Caalamiga ah ee Xuquuquda Aadanaha ee Qaramada Midoobey“United Nations Universal Declaration of Human Rights” iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee la xiriira xuquuqda aadanaha.
HIIGSIGA URURKA
Hiigsiga Ururka Qareenada Soomaaliyeed waa in gacanlagageysto in Soomaaliya laga hirgeliyo garsoor madaxbannaan oo si wax ku ool ah u shaqeeya. Sidoo kale, Ururku waxa uu u taaganyahay in uu qareenada ka hawlgala Soomaaliya si iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay u gutaan shaqadooda.
Jaan tuska Qaab-dhismeedka Ururka
Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu leeyahay Jaan tusqaab-dhismeed oo lagu hawlgalo. Jaantuska Ururku waxa uu si cad u qeexaa kala sarraynta hoggaamineed, qaab-dhismeedka maamul iyo shaqooyinka Ururka Qareenada Soomaaliyeed, hoosna waxa ku cad qaybaha ugu muhiimsan ee Ururka:
1. Golaha Guud ee Loo DhanYahay
2. Guddiga Agaasinka: Guddoomiye, Guddoomiye Kuxigeen,
3. WaaxdaTababarka iyo Sharciga, Waaxda Shaqaalaha, Maamulka iyo Maaliyadda.
4. Waaxda Kaalmada Sharci.
5. Waaxda Dejinta Barnaamijyada iyo Qorshaynta (Programming & Planning).