U tababartayaasha layli Qareenimo sanadka 2021 ayaa Qaatay Tababar ku saabsan Sooyaalka Xeerarka badda Soomaaliya. Tababarkaan waxuu kamid yahay tiro tababare ah oo uu Ururka Qareenada Soomaaliyeed ugu tala-galay in lagu dhiso Xirfada Sharci ee u tababartayaasha Qareenimada. Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo dareensan Muhiimada badda iyo Xeerarkeeda, gaar ahaan xilligaan murunada nagala dhaxeeyaan dowladha dariska ah ayaa soo qaban-qaabiyey Tababarka, axaana soo jeediyey Tababarka Garsoore Cali Sh. Aadan Yusuf ” Cali Somali” oo baaris badan ku sameeyey arimaha badda.